|
halkan waxaynu kaga hadlaynaa mawduuc ku saabsan
computerkaKumbiyuutarka iyo taariikhdiisa
Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada
kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo
socda:
* Waa maxay kumbiyuutar?
* Taariikh kooban.
* Noocyada Kumbiyuutarka.
Waa maxay kumbiyuutar?
Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa
maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga
kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu
noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax
ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba
taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo
akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u
qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar
wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.
Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa
adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala
duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan
garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso
iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee
ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan
waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha casriga ah.
Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay
nolosha casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan
tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm.
Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno
darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada
wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan
tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka
dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan
taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno
mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga
ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo
geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in
aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka
dambayso fulinta hawlahaas.
Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa
fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada
kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan
markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu
ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan
ku soo marnay billowgii casharkan.
Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar
waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku
shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan
DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay.
Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.
Taariikh kooban
Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray
sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu
ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban
kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto
kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis
buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30
tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar.
Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban
sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin
wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar
ee jeebka lagu qaato (calculator).
Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray
kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay
isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu
horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka
mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari.
Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd
kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay
kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay
inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii
ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku
socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay
kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka
dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan
fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo
aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.
Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan
ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in
kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa
qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan
loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo
baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan
oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086
oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486
iyo Pentium.
Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa
casharradeena dambe.
Noocyada kumbiyuutarka
Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc
oo kala ah:
* Super Computers
* Big Computers
* Mini Computers
* Personal Computers
Super Computers iyo Big Computers
Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu qiimahoodu
gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa
isticmaala shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha
dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar
fulin karaan hawlo fara badan mana aha wax lala
yaabo in boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u
diraan shaqooyin kala duwan uuna isku wakhti ugu
wada fuliyo hawlahooda oo dhan.
Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si
gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators.
Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah
xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga
ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba.
Mini Computers
Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc
ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana
loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta
iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku
mar qaban karaan ilaa konton arrimood.
Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan
yahay xagga cimilada umana baahna operator joogto ah.
Personal Computers (PC)
Noocani waa nooca ugu yar inta badanna laga
isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba.
Noocaan oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay
marka loo eego kuwii aan horay uga soo hadalnay,
waxaa loogu tala galay in la saaro miis dushiis, iwm.
PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna
jaban xagga qiimaha. Noocaan waxaa markii hore
loogu tala galay in qofka isticmaalyaa uu markiiba
isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la
isku xiro kumbiyuutarro badan (Computer Network)
halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada
isticmaalaan hal program ama in ka badan.
Qeybaha dambe ee cashareedeena waxaan kaliya oo aan
haddii rabbi idmo uga hadli doonnaa noocaan dambe
ee PC annagoo qeyb qeyb u soo qaadan doonna qeybaha
uu ka kooban yahay iyo program-yada uu ku shaqeeyo.
|